3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 10, 2019
Shir weynaha shaqada caalamka oo ka furmay Geneva


Isniin, June, 10, 2019 (HOL) –  Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa oo hoggaaminaya wafdi saddex-geesood ah  ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qeybgalay shir weynaha shaqada adduunka oo halkaa maanta ka furmay.

In ka badan 5,000 oo wakiillo oo ay ku jiraan 40 madaxda dowladaha ayaa sidoo kale shirka ka qeygalaya, kaas oo ku soo aadday sannad-guurradii boqollaad ee hey'adda  shaqaalaha adduunka.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya, Sadiiq Warfaa ayaa muddada uu shirka socdo waxaa uu  ka jeedin doonaa khudbad uu diiradda ku saarayo shaqo la'aanta ka jirta dalka , sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaam shaqooyin u abuuraya muwaadiniinta iyo shaqo abuur loo helo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiir, Sadiiq ayaa sidoo kale dedaal ugu jira sidii ay Soomaaliya dib ugu soo ceshan lahayd xubinnimada ururka shaqaalaha adduunka loogana cafin lahaa deyn lagu leeyahay dalka muddo dheer taas oo ah dhaqaalo ay ururka ku taageeraan sannad walba dowladaha xubnaha ka ah. Waxaa kalo uu kulan doceedyo la qaadan doonaa madaxda dalalka caalamka iyo wakiillada kale ee shirka ka qeybgalaya.

Shir weynaha shaqada caalamka ee maanta Geneva ka furmay ayaa socon doona illaa 21-da bishan June.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online

[email protected]

 













Click here
6/10/2019 12:19 PM EST
Isniin, June, 10, 2019 (HOL)–Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa maanta waxaa ka billaabmay Imtixaanka heer qaran ee Fasalka 10aad, Imtixaankan oo ay u fadhiisteen arday gaadhaysa 22,957 arday isugu jiray Wiilal iyo Gabdho.

6/10/2019 11:39 AM EST
Isniin, June, 10, 2019 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Dibeddadalka Norway Ine Eriksen Soreide ayaa maanta booqasho hal maalin ah ku timid magaalada Muqdisho.

6/10/2019 10:30 AM EST
Isniin, June, 10, 2019 (HOL) – Caro iyo xaalad aan daganeyn oo ka jirtay maamulka Hindiya ee dhinaca Kashmiir,ka dib waxaa maanta Maxkamad la soo taagay lix qof oo lagu soo eedeeyay in ay ka dambeeyeen dhimashada gabar yar oo muslim ah oo hal sano ka hor lagu dilay halkaasi.

6/10/2019 4:11 AM EST
Isniin, June, 10, 2019 (HOL) – Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku eedeyay beesha caalamka inaysan jawaab ku filan ka bixin dhowr dalab oo ay u direen, waxaana madaxa howlgalka uu xaqiijiyay dhaqaalo xumo bahsan oo ay wajahayaan.

6/10/2019 3:42 AM EST
Isniin, June, 10, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in maamulkiisa lagu hayo sida uu hadalka u dhigay cadaadis dhicyo badan uga imanaya

6/10/2019 3:39 AM EST
Isniin, June, 10, 2019 (HOL) – Madaxweynaha ku-xigeenka Puntland,Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ku sugan magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso, halkaa oo safar dhulka ah uu ku gaaray shalay.

6/10/2019 12:56 AM EST
Isniin, June, 10, 2019 (HOL)–Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Qadar ayaa ku baaqay dadaal albaabada loogu furayo wadahadalo u dhaxeeya dalalka Iiraan iyo Mareykanka .

6/10/2019 12:51 AM EST
Isniin, June, 10, 2019 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xil ka qaaday gudodomiyaha Gobolka Mudug, isaga oo dhinaca kale magacaabay guddoomiye cusub.

6/10/2019 12:36 AM EST
Isniin, June, 10, 2019 (HOL)-Shirkadda Basaska waawayn ee Falcon coach Bus basaskeeda qaar ka mid ah ayaa muddo 10 maalmood gudahooda shil ku galay meelo kamid ah degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.