4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 10, 2019
Wasiirka Arrimaha dibedda Norway oo booqasho ku timid Muqdisho


Isniin, June, 10, 2019 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Dibeddadalka Norway Ine Eriksen Soreide ayaa maanta booqasho hal maalin ah ku timid magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Wasiirada ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana kulan ku yeeshay gudaha Garoonka.

Kulanka labada dhinac ayay uga hadleen xoojinta xiriirka labada dal, Iskaashiga iyo arrimaha muhiimadda gaarka u ah hoggaamiyeyaasha labada dal.

Norway ayaa ka mid ah dalalka taageera Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu heysto dhalashada dalkaas, horayna madax uga soo noqday Hey’adda NRC.

Booqashadeeda ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Norway ay xilligan saameyn ku leedahay arrimaha shidaalka Soomaaliya, isla markaana dhowaan la ansixiyay Sharciga Batroolka oo muran badan ka taagan yahay, kaddib markii ay diideen maamul goboleedyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]