3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 10, 2019
Maxkamad dambi dil iyo kufsi ah ku heshay 6-ruux

 

Isniin, June, 10, 2019 (HOL) – Caro iyo xaalad aan daganeyn oo ka jirtay maamulka Hindiya ee dhinaca Kashmiir, kadib waxaa maanta Maxkamad la soo taagay lix qof oo lagu soo eedeeyay in ay ka dambeeyeen dhimashada gabar yar oo muslim ah oo hal sano ka hor lagu dilay halkaasi.

Maxkamad ku taala dalka Hindiya,gaar ahaan gobolka Bunjaab magaalada Srinagar ayaa dacwad la xiriirtay dil iyo kufsi ku heshay 6-ruux oo Gaangiistarro ah oo sanadkii tagay ka dambeeyay dhimashada Gabar 8-sano jir ah oo ka soo jeeda Muslimiinta Kashmiir.

Falkaasi dilka iyo kufsiga ah oo sanad ka hor ay geysteen 8-ruux ayaa warku intaa ku daray In 6-ka mid ah sadeeddaasi ruux lagu helay dambiga,waxaana la filayaa in galabta lagu dhawaaqo xukunka raggaasi.

Gabadha yar oo la tilmaamay in ay aheyd 8-sano jir reer baadiye ah ayaa sanad ka gor meydkeeda laga helay xaafadda Kathua ee maamulka Hindiya ee Kashmiir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
 

 













Click here
6/10/2019 1:04 PM EST
Isniin, June, 10, 2019 (HOL) – Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa oo hoggaaminaya wafdi saddex-geesood ah ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qeybgalay shir weynaha shaqada adduunka oo halkaa maanta ka furmay.

6/10/2019 12:19 PM EST
Isniin, June, 10, 2019 (HOL)–Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa maanta waxaa ka billaabmay Imtixaanka heer qaran ee Fasalka 10aad, Imtixaankan oo ay u fadhiisteen arday gaadhaysa 22,957 arday isugu jiray Wiilal iyo Gabdho.

6/10/2019 11:39 AM EST
Isniin, June, 10, 2019 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Dibeddadalka Norway Ine Eriksen Soreide ayaa maanta booqasho hal maalin ah ku timid magaalada Muqdisho.

6/10/2019 4:11 AM EST
Isniin, June, 10, 2019 (HOL) – Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku eedeyay beesha caalamka inaysan jawaab ku filan ka bixin dhowr dalab oo ay u direen, waxaana madaxa howlgalka uu xaqiijiyay dhaqaalo xumo bahsan oo ay wajahayaan.

6/10/2019 3:42 AM EST
Isniin, June, 10, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in maamulkiisa lagu hayo sida uu hadalka u dhigay cadaadis dhicyo badan uga imanaya

6/10/2019 3:39 AM EST
Isniin, June, 10, 2019 (HOL) – Madaxweynaha ku-xigeenka Puntland,Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ku sugan magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso, halkaa oo safar dhulka ah uu ku gaaray shalay.

6/10/2019 12:56 AM EST
Isniin, June, 10, 2019 (HOL)–Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Qadar ayaa ku baaqay dadaal albaabada loogu furayo wadahadalo u dhaxeeya dalalka Iiraan iyo Mareykanka .

6/10/2019 12:51 AM EST
Isniin, June, 10, 2019 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xil ka qaaday gudodomiyaha Gobolka Mudug, isaga oo dhinaca kale magacaabay guddoomiye cusub.

6/10/2019 12:36 AM EST
Isniin, June, 10, 2019 (HOL)-Shirkadda Basaska waawayn ee Falcon coach Bus basaskeeda qaar ka mid ah ayaa muddo 10 maalmood gudahooda shil ku galay meelo kamid ah degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.