4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 10, 2019
AMISOM oo ka cabanaysa beesha caalamka

Isniin, June, 10, 2019 (HOL) – Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku eedeyay beesha caalamka inaysan jawaab ku filan ka bixin dhowr dalab oo ay u direen, waxaana madaxa howlgalka uu xaqiijiyay dhaqaalo xumo bahsan oo ay wajahayaan.

Francisco Madeira , madaxa howlgalka AMISOM ayaa xusay in beesha caalamka ay ku dhageysatay dalabyo isku xigxiga oo ku qotomey dhaqaalo ay u doonayeen inay siiyaan dad shacab ah kuwaasi oo ay waxyeelo garsiiyeen ciidammada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

"Iyada oo aysan jirin dhaqaalo ay beesha Caalamka ku deeqday, waxaa jiray shirar ay qabteen AMISOM iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ku saabsan saameynta arrintaa." ayuu yiri Madeira.

AMISOM ayaa arrintaa u aqoonsatay xaalad khatar ah, waxaana ay ka dalbadeen Midowga Afrika inay xaaladan siiyaan tixgelin gaar ah sidii xal loogu heli lahaa. Midowga Afrika ayaa ugu  deeqay sannadkii 2018kii 200-kun oo doollar, taaso la siiyay qoysaska dhibaneyaasha, sida uu xaqiijiyay madaxa howlgalka.

Madeira oo warkan soo saaray, kaddib kulan uu la qaatay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa dhinaca kale  u ballanqaaday dowladda in cidammada AMISOM ay kala shaqeyn doonaan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah, amniga dalkana ula wareegi lahaayeen ciidammo Soomaaliyeed.

Waxaa kalo uu xaqiijiyay in guddoomiyaha Baarlamaanka ay ka wada-hadleen sharciga doorashooyinka qaranka,kaaso ay ka horyimaadeen qaar ka mid ah dowlad-gobolleedyada dalka oo ku sifeeyay mid aanan waafaqsaneen dastuurka dalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]