4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 10, 2019
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo kullamo ka wadda magaalada Boosaaso

Isniin, June, 10, 2019 (HOL) – Madaxweynaha ku-xigeenka Puntland,Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ku sugan magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso, halkaa oo safar dhulka ah uu ku gaaray shalay.

Karaash ayaa sheegay in safarkiisu uu ahaa mid shaqo oo gaaban, sidoo kale waxa uu xusay inuu ku faraxsan yahay safarka shaqo ee uu ku gaaray gobolka Bari, gaar ahaan magaalada Boosaaso oo uu ku tagay socdaalkiisii ugu horreeyey tan iyo doorashadii kaddib.

Waxaa uu la kulmi doona waxgaradka gobolka bari iyo qeybaha bulshada oo ay ka wada-hadli doonana xaaladda gobolka , gaar ahaan magaalada Boosaaso.

Sidoo kale, madaxweyne ku-xigeenka wuxuu tilmaamay inuu la kulmi doono saraakiisha amniga ee magaalada Boosaaso, si loo xoojiyo nabadgalyada magaalada dekedda leh.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]