Isniin, June, 10,
2019 (HOL) – Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Qadar ayaa ku baaqay dadaal
albaabada loogu furayo wadahadalo u dhaxeeya dalalka Iiraan iyo Mareykanka .
Sheekh Maxammed binu Abdulraxmaan Al-Thani ayaa
wariyaasha ugu sheegay magaalada London in Qadar iyo dalal kale ay labada
dhinacba xirir la sameeyeen si xal loogu helo xiisadda sii sii xoogeysaneysa ee
gobalka
Hadalkaan ayaa imaanaya iyada oo toddobaadkaan
lagu wado in ay booqosho ku tagaan magaalada Tehraan Wasiirka Arrimaha dibadda
ee dalka Jarmalka Heiko Maas iyo raisul wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe iyaga
oo isku dayeya xal u helidda xaaladda ka dhex aloosan labada dal .
Sheekh Maxammed ayaa sheegay in Qadar oo ay
wehliyaan dalal kale ay isku dayayaan inay kala dhexgalaan si meesha looga
saaro xiisadda labada dhinac.
Waxaa uu farta ku fiiqay in dhinac kasta uu
leeyahay dagaal ma rabo ,balse waxaa uu sheegay in loo baahanyahay dadaal
dheeri oo albaabada loogu furayo wadahadal dhex mara labada dal.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in uu rabo
in uu Iraan wada hadal la yeesho, balse Iiraan ayaa sheegtay in aysan taasi
dhici karin iyada oo Mareykanku uu ka baxay heshiiskii hubka nuclear-ka
sanadkii la soo dhaafay isla markaana uu sii wado cunnaqabteynta cuuryaamineysa
howlaha Iiraan.
Mareykanka iyo xulufadiisa oo ay ka mid yihiin
Sacuudiga iyo Israel, ayaa isku dayaya in ay Iraan saaraan cadaadis dhaqaale.
Sheek Maxammed ayaa sheegay in Qadar ay xushmeeynayso
siyaasadda Mareykanka, balse waxuu sheegay in gobolku ay tahay in arrinta ay
dhinaca kale ka eegaan,wuxuuna sheegay in qofkii Jecel iyo qofkiii aan
jecleynba ay Iraan gobalka qayb ka tahay
Wadamada Carabta oo ay Qadar ka mid tahay ayaa
dhawaan kulan ku yeeshay Magaalada barakeysan ee Makkah ee dalka Sacuudiga
waxaana ay ka wada hadleen xiisadda gobalka .
Balse Sheekh Maxammed ayaa sheegay in shirka
kaliya diiradda lagu saarayay cambaareynta Iraan badalkii laga hadli lahaa
sidii loo wajihi lahaa dalka Iiraan.
Xigasho BBC