Dagaal xoog leh oo ka dhacay deegaanno ka tirsan Ceel-Afweyn
Isniin, July, 08, 2019 (HOL)-Ku dhowaad labaatan ruux ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen 24kii saacadood ee la soo dhaafay dagaal ka dhacay degaanno kala duwan oo ka tirsan degmada Ceel-af-weyn ee gobolka Sanaag.
Dagaalkan ayaa maalinimadii shalay ka bilaabamay Baalweyne oo u dhow tuulada Dararweyne kadib markii kooxo dabley ah ay halkaasi isku haleeleen, waxaana la sheegay in 10 qof ay ku dhinteen labada dhinac oo dhamaantood dableydii ahayd, halka sodomeeyo qofna ay ku dhaawacmeen.
Sida
ay HOL u xaqiijiyeen dad kaladuwan ayaa sheegayain dagaalkii uu dib uga
bilaabmay degaano kala duwan iyadoo laysu adeegsanayo gaadiidka
dagaalka, gurmad xooglihina uu labada dhinac u soo kordhayo.
Maxmuud
Cumar oo ku sugan tuulada Kulaal oo ka tirsan degmada Xudun ayaa waxa
uu sheegay in ay maqlayeen sanqadha rasaasta dhacayasa oo labada dhinac
is dhaafsanayan, waxaanu intaas ku daray in dadka reer guuraga ah oo
qaxayaa ay soo gaadheen.
\
Warar kutiri-kuteen ah ayaa sheegaya
in qaar gaadiidka dagaalka ka tirsan la gubey, qaarna la kala qabsaday
dhimashada iyo dhaawacuna ay aad uga badan yihiin kuwii shalay, waxaana
la xaqiijinayaa in qasaaraha ugu badan uu ka dhacay tuulada Dararweyne.
Ma
jiro wax dadaal ah oo hawshaa lagu doonayo in lagu joojiyo iyadoo la
sheegayo ciidamo horey hawsha labada beelood u dhex joogi jirey aanay
wax dhaqaaq ah samayn.
Walaaca weyn ee goobta ka taagan ayaa
ah in ciidamo horey Somaliland uga goostay oo deganaa magaalada Qardho
oo wata gaadiidka dagaalka ay saaka soo galeen dagaalka.
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood