Axad, July, 07, (HOL)– Madaxweynaha Jubbaland , Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qaybgalay maalinka koobaad ee furitaanka Bandhiga Carwada Buugaagta ee Kismaayo.
newsinsideMadaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay Buugaagta lagu soo bandhigay KBF2019 isagoo qaar kamid ah qorayaasha buugaagtan ka gudoomay buugag ay qoreen waxaa kale oo Madaxweynahu uu halkaas kasoo iibsaday qaar kamid ah buugaagta lasoo bandhigay.
Waxaa kale oo uu goobtaas hadal ugu jeediyay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha Bandhigan isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu goobjoog ka noqdo Carwadan oo ah tii saddexaad.
Madaxweynaha Jubbaland, ayaa inta ku daray in burburkii dalka ka dhacay uu sameeyay qaybo badan oo kamid ah waxyaabaha Aas Aasiga ah balse hada laga soo kabanayo oo Soomaaliya hormar la taaban kahor ay gaadhay sanadahii u danbeeyay.
[email protected]








