
Axad, July, 28, 2019 (HOL)- Dowladda Masar oo si adag u cambaareysay weerar toddobaadkii hore ka dhacay gudaha dhismaha xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, ayaa ballanqaaday inay gacan ka siinayso dowladda sida ay ugu guuleysan lahayd dagaalka ka dhanka ah wax loogu yeeray 'xagjirka'.
newsinsideToddobo ruux oo dhammaantood ah mas'uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa weerarkii Arbacadii ku dhintay, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo uu ka mid yahay guddoomiyihii gobolka, Cabdiraxmaan Yariisow.
"Waxaan dowladda Soomaaliya ka caawineynaa dib u dhiska hay'addaha oo xooggan iyo xasiloonida guud ee dalka." ayuu ku daray bayaanka.
Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al Qaacida ayaa mas'uuliyada weerarka oo ismiidaamin ahaa sheegatay, waxaana wali socda baaritaanno la xiriira weerarka, sida ay sheegeen saraakiisha amniga ee Soomaaliya.
[email protected]