Kulan looga hadlay Qoontada Haweenka ee Golayaasha dowladda oo Muqdisho ka dhacay
Talaado, July, 23, 2019 (HOL)-Kulanka oo ay ka qeybgaleen xildhibaannada haweenka ah ee ku jira labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu baaqay in la ilaaliyo Qoontada Haweenka ee guud ahaanba Golayaasha dowladda.
Kulanka oo ay soo qaban-qaabisay hay'ad lagu magacaabo Baxnaanno ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa laga soo saaray War-murtiyaad la xiriira ilaalinta ilaalita ka qeybgalka siyaasadda iyo Golayaasha Dowladda :
Wurtiyeedka ayaa u dhignaa siddan :
''Annagoo ah Xildhibaanada haweenka ah ee ku jira goloyaasha baarlamanka Dowladda federaalka Soomaaliya sida Golaha shacabka iyo aqalka sare ee dalka waxaan soo dhoweyneeynaa sida dowladdeenna uga go’antahay illaalinta iyo dhaqan galinta kootada haweenka soomaaliyeed ay ku leeyihiin matalaadda golayaasha ummadda soomaaliyeed
Waxaan
sidoo kale Soojeedineynaa in haweynka soomaaliyeed lagu garabsiiyo sidii
ay kaalin fir fir coon uga qaadan lahaayeen dhammaan dhinacyada
Bulshada ama siyaasadda , sarana loo qaado kaalintooda matalaadda
siysaadda
Waxaan ka marqaati ka ceynaa in haweenka soomaaliyeed ee
siyaasadda ku jira kaalin wax ku ool ah ay ka qaateen geeddi socodka
Siyaasadda Soomaaliya taas oo muujineeysa sida dumarka soomaaliyeed ay
uga go’antahay horumarinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed
Innaga oo
xasuusan kaalinta ay ka soo qaateen Haweenka Soomaaliyeed bad baadinta
dalka iyo qoysaska soomaaliyeed intii dalka Bur burka ku jiray waxaan ku
baaqeynaa :
1. In aan la’siyaasadeen Kootada haweenka
Soomaaliyeed oo diyaar u ah in muruq iyo maskax ay ku bixiyaan dibu
dhiska Dalka Soomaaliya
2. Waxaan ku baaqeeynaa in sare loo qaado
kaalinta iyo Matalaadda haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dhammaan
goloyaasha Dwoladda Federaalka Soomaaliyeed iyo maamul Goboleedyada
3. Waxan ku baaqeynaa in hormuud ay u noqdaan haweenka dadaalada hadda socda ee dalka looga gudbinayo marxaladda uu ku jiro
4. Waxaan ku baaqeeynaa dhismaha guddi haweyn ah oo ka shaqeeya sare u qaadista codka Haweenka Soomaaliyeed
BALLANQAAD:
1.
Waxaan ballan qaadeynaa haddii aanahay haweynka ku jira goloyaasha
Dowladda Federaalak Soomaaliya in aan hormuud ka noqonno dadaalada
dibudhiska iyo dibu heshiisiinta ah ee dalka uu u baahan yahay
2.
Waxaan ballan qaadeynaa in kaalin wax ku ool ah aan ka qaadano isla
falgalka iyo wada shaqeynta hay’adaha dwoladda federaalak Soomaaliya
3.
Waxaan ballan qaadeynaa in haweenka soomaliyeed aan gacan ku siinno
sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen wacyigooda wax barasho iyo kan
hogaamineed
4. Ugu dambeyn waxaa ka codsaneynaa Dhalinyarada ,
Siyaasiyiinta , odoyaasha dhaqanka, Culuma’udiinka , Ganacsatada iyo
ururada bulshada Rayidka ah in ay gacan nagu siiyaan sidii gabadha
soomaliyeed ay u qaadan lahayd kaalintooda ku aadan horumarinta
bulshada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]