Markab xoolo ka qaaday Dekadda Berbera oo ku xayiran dekadda Jiidda ee Sucuudi Carabiya
Sabti, July, 13, 2019 (HOL)-Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Xasan Maxamed Gaafaadhi ayaa sheegay in markab xoolo siday oo Berbera ka baxay ku xaniban yahay dekada Jidda ee Sucuudiga Carabiyo ka dib markii xukuumada Soomaaliya cadaadis ku saarto in xoolahaasi dib loo celiyo.
Wasiirka ayaa sheegay in
xoolahan ay dalbadeen Baanka islaamiga ah,isla markaana uu isagu ballanqaaday
inuu xoolahaasi ka dajiyo Sucuudiga, haseyeeshee uu wasiirka Xanaanada Xoolaha
ee Soomaaliya u dhoofay u sucuudiga si uu culays u saaro in xoolahaasi dib loo
soo celiyo, taas oo uu ku tilmaamay mid cadaawad ku abuureysa shacabka
Somaliland.
Sidoo kale, wasiirku waxa uu
sheegay in aanay dekadda Berbera ka dhoofi Karin xoolo aan haysan rusqadda
Somaliland, isla markaana kuwo ka dhoofaya xuduudda Lawyo caddo laga qaadayo
cashuurtii iyo caafimaadkii laga qaaday jiray kuwii Berbera ka dhoofi jirey,
taas oo aanay dib ugu soo noqon Karin marka ay xadka ka talaabaan.
“Waxaad ogtihiin in afar
habeen ka hor uu uu dekadda Berbera ka
dhoofay Markab siday xoolo oo usii jeeday dekada Jidda Jiidaa ee Sucuudiga
Carabiya, wadankaasi uwuxuu ku tagay
dalab ka yimid Baanka islaamiga ah ee
xoolaha xajka qaadan jirey, waxaanu
baanka iyo nimankii Carabta ahaa ee qaadan jirey xooluhu damaanad qaadeen inay
xoolahaasi ka dajinayaan dekada Jidda”ayuu yidhi wasiir Gaafaadhi.
Waxaanu intaas ku daray “Dawlada
Muqdisho markii ay ka war heshay inuu markabkaasi Berbera ka dhoofo duulaan
balaadhan baa la qaaday, wasiirkii wasaarada xanaanada xoolaha Soomaaliya wuxuu
u dhoofay Sucuudi Carabiya wuxuu culays iyo dagaal weyn saaray in aan
markabkaasi la rogin, markabkaasi illaa hada wuxuu taagan yahay jidda, qoladii
markabka raratayna waxay aad ula dagaalamayaan in xoolahooga la celiyo,
wasiirka ka socda dawlada Muqdisho wuxuu dagaal ugu jira in aan xoolahaasi la
dejin.”
“Waxaan ganacsatadda iyo shacabkaba u
sheegayaa in aan waraaqda ay xukuumada Somaliland siiso maraakiibt qaada
xoolaha mooyee waraaq kale lagu dhoofin Karin xoollo, waad ogtihiin in aan
dawldda Soomaaliya Berbera iman Karin oo aan rusqad samayn Karin, cid Xamar
tagta oo rusqad ka soo qaadataan aanay Berbera waxba ka rari Karin, waxaanay
arrimahani ina tusaysa colaada ay xukuumadaasi Muqdisho u hayso shacabka”ayuu
raaciyey hadalkiisa.
Mar kale waxa uu wasiirku ka
hadlay xoolaha laga dhoofinayo xadka Lawyo caddo ee loo waddo dekadda Jabuuti ,
waxaanu yidhi “ waxa kale oo ganacsatada xoolaha usheegayaa in xadka ay xooluhu
maraan lagu dhaqmayo sharciga wadanka uga yaallay xoolaha dhoofaya, xoolaha maraya xadka lawyo caddo waxa la marinaya sharcigii marka xooluhu
dekada ka dhoofayaan la marin jirey hadii caafimaad ahayd iyo hadii ay cashuur
tahayba, marka ay xadka dhaafaana aanay dib ugu soo noqon Karin Somaliland waxaana loo aqoonsanaha xoolo dhoofay”.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.