10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 1 , 2019
Qunsulka Itoobiya u fadhiya Garoowe Jen. Mabratu: Soomaaliya waxay xoogeysan karta marka maamulladu la shaqeeyaan DF

Isniin, July, 01, 2019 (HOL)-  Qunsulka dowladda Itoobiya u fadhiya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland Jen Mabratu Waldo Aragay ayaa khudbad ka jeediyay xuska sannad guurada 59aad ee xoriyadda gobollada Koonfureed iyo israaca gobollada Waqooyiga iyo Koonfurta ee xalay lagu qabtay magaalada Garoowe.

Jen Mabratu , ayaa sheegay midda kaliya ee ay Soomaaliya ku xoogeysan karto inay tahay marka ay maamullada la shaqeyaan dowladda dhexe ee federaalka ah.

"Gumeystayaashu kuma tagaan rabitaankooda ee waxay ku tagaan markii ay indhaha dadka ka arkaan iska dhicin". ayuu yiri isagoo inta ku daray " Soomaaliya waxay ku xooggeysan kartaa marka maamulladu la shaqeeyaan dowladda dhexe."

Qunsulka ayaa caddeeyay dowladiisa inay ka go'antahay taageerada iyo garab istaaga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo marka u rajeeyay nabadgalyo iyo horumar.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]