4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 4 , 2019
Natiijada codeynta wareegga koowaad ee doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay

Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)- Guddiga doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay natiijada wareegga koowaad, marka la soo gabagabeeyay codeynta xildhibaannada.

Natiijada wareegga koowaad.

Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobe) 37 cod.

Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed 15 cod

Cabdiraxmaan Cali Jibriil 9 cod

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil 5 cod.

Wareega labaad waxaa usoo baxay,Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobe) iyo Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed , waxaa tanaasulay Cabdiraxmaan Cali Jibriil , halka uu tartanka ka haray Cabdirashiid Yuusuf Jibriil .

Codeynta wareegga labaad ayaa hadda billaabatay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]