4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 3 , 2019
Golaha Amaanka Qaramada Midoobey oo kulan ka yeelanaya eryiddii Nicholas Haysom

 

Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)-Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta gelinka dambe ka dooday xaaladaha dalka Soomaaliya kaddib markii dowladda Soomaaliya ay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ay ka eriday dalka.

Dowladda Soomaaliya waxay ku adkeysatay in Nicolas Haysom aanan laga rabin dalka isla markaasna uusan kasii shaqeyn doonin Soomaaliya.

Ku-xigeenka Afahayeenka Qaramada Midoobey, Farhan Haq ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay baaritanno ku sameyneyso waxaa dhaliyay go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku eriday Nicholas Haysom.

"Waxaan la soconnaa xaaladda, waxaan isku dayeynaa in aan sharraxaad ka bixinno caddeymaha,waxaan arki doonaa tallaabada xigta" ayuu yiri Farhan Haq.

Wuxuu walaac ka muujiyay habka loo maray in wakiilka gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey laga ceeyriyo dalka Soomaaliya.

Qaramada Midoobey ayaa saacadaha nagu soo aadan lagu wadaa inay bayaan kasoo saarto dhacdada kaddib marka ay soo gabgabeeyaan baaritannada la xiriiro in Haysom aanan loo ogolaan inuu kasii shaqeeyo Soomaaliya.

Dadka badan oo la socda arrimaha xiriirka caalamiga ah ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan u marin hab Diblomaasiyadeed eryaddii wakiilka Qaramada,  loona baahnaa halkii ay qoraalkan soo saari laheyd xiriirro kale la sameyso dhacyada uu arrinkan quseeyo.

Muranka Diblomaasiyadeed ayaa soo ifbaxay kaddib markii warqad toos ah oo uu wakiilka Qaramada Midoobey u qoray Wasaarradda Arrimaha Gudaha ka dalbaday in ay faah faahin ka bixiso wax-yaabihii ka dhacay magaalada Baydhabo, hase ahaatee taa badalkeed dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Nicholas Haysom looga baahneyn Soomaaliya sidaa daraadeed isaga tago.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]