Abiy Ahmed oo la kulmay madaxweyne Cagjar iyo hoggaamiyaha xisbiga tallada haya ee dowlad deegaanka Soomaalida
Sabti, Janaayo, 26, 2019 (HOL)-Ra’iisal
wasaaraha xukuumadda Itoobiya Abiy Ahmed oo maalmihii ugu danbeeyayba ku
howlanaa xalinta khilaafka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa bartiisa Twitter
–ka soo dhigay qoraal kooban uu kaga hadlayo in la xaliyay khilaafkii waayadii
ugu danbeeyayba ka taagnaa dowlad deegaanka.
Bogga Twitter –ka Ra’iisal
wasaaraha ayaa la soo dhigay Ra’iisal Wasaare Abiy oo la taagan madaxweynaha
dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar iyo guddoomiyaha xisbigga
tallaada hay Ahmed Shide oo toddobaadyadii ugu danbeeyay uu soo ifbaxay khilaaf
xoogan oo u dhaxeeya kaa oo ragaadiyay howlihii kala duwanaa Ismaamulka
Soomaalida ee dalka Itoobiya.
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa
isu keenay labada Mas’uul oo maalmihii u dambeeyay uu khilaaf u dhaxeeyay,
waxaana uu u sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo horumarka gobolka,
jihada ay tahayna loo maro.
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa
Cagjar ayaa todobaadyadii u dambeeyay la kulmayo caqabado siyaasadeed oo uga
imaanayay hoggaanka xisbiga talada haya.
Dhowr jeer oo hore ayaa madaxweynaha looga yeeray
xafiiska ra’iisal wasaare Abiy ee magaalada Addis Ababa oo looga wada hadlayay
xali u helida khilaafka labada mas’uul.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]