4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 2 , 2019
Golaha Iskaashiga Dowlad gobolleedyada oo War ka soo saaray go'aankii dowladda ee ka dhanka ahaa Wakiilka QM

 

Arbaco, Janaayo, 02, 2019 (HOL)-Qoraal ka soo baxay madaxda Golaha Iskaashiga dowlad gobolleedyada ayaa looga soo horjeestay go'aankii dowladda Soomaaliya ay dalka uga eriday wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom.

Golaha ayaa dhinaca kale soo dhaweeyay qoraalkii ka soo baxay xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee ahaa in dowladda Soomaaliya jawaab ka bixiso dhacdooyinkii is xig xigay ee ka dhacay magaalada Baydhabo.

Haddaba Qoraalka Golaha Iskaashiga Dowlad gobolleed-yada ayaa u dhignaa siddan .:

Goluhu, wuxuu soo dhoweynayaa, si buuxdana u taageerayaa qoraalkii Beesha Caalamka (30 December 2018), gaar ahaan Xafiiska Ergeyga Xoghayaha Qaramada Midoobay (SRSG), ee ahaa xaqiiqa raadinta falkii ka dhacay Baydhaba iyo ciddii Masuuliyadeeda lahayd. Waxaa nasiib darro ah, in qoraalkii xaqiiqa raadinta ahayd looga jawaabay, si Masuuliyad darro ah, oo aad uga fog Danta Dadka Soomaaliyeed.

Goluhu markii uu arkay marxalada Amni iyo Siyaasadeed ee uu marayo dalku ayuu si buuxda uga soo horjeestay war saxaafadeedkii ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliya 01 Jan, 2019 ee Dalka looga eryey Ergayga Qaramada Midoobay Mudane Nicholas Haysom, waxuuna Golaha Iskaashigu ku tilmaamayaa go’aan lagu fududaaday. Ugu danbayn Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadu wuxuu ka codsanayaan Beesha Caalamka in aan la joojin taagyeerada ay u fidiyaan shacabka Soomaliyeed oo ku jira marxalado adag. Sidoo kale, wuxuu Goluhu xusuusinaya Guddiga Arrimaha Dibedda ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya in ay arrintan si taxdar leh wax uga qabtaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]