Maxkamada ciidamadda oo xukun dil ah ku riday Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya
Khamiis, Janaayo, 17, 2019 (HOL)-Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa loo heystaa dilka Marxuum Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed dilkaas oo ka dhacay Ex, Kontorool Afgooye 06-bishii 10-aad ee sanadii tagtay.
Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa si jees-jees
ah u dilay AUN Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed, waxa ayna dad
goob joogayaal ah sheegeen in marxuumka loogu yimid gootiisa shaqada oo
aheyd Ex, Kontorool Afgooye iyadoo markaatiyaasha ku dareen in
Marxuumka uu horay ninkan u handadi jiray sida marar kala duwan uu
ugudbiyay madaxda ka sarreysa.
Intaas kadib ayay u suura gashay in uu baxsado Eedeysane Dable Xoogga
Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim isagoo gaaray degmada Wanla-weyn
ee gobalka Shabeelada Hoose, waxa uu garowsanaa inaan la soo qaban Karin
uu ka dheeraday gacmaha Hey’adaha amniga ee dowladda balse ciidamada
amniga ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanaha 28-ka bisii 10-aad sandii
2018.
Ciidamada amniga ayaa ku wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta waxa
ayna 24-ka bishii 12-aad ee sanadii tagtay dalbadeen in la muddeeyo
dhageysiga dacwadda.
Maxkamadda ayaa muddeysay dhageyiga dacwadda 29-ka bishii 12-aad ee
sanadii 2018, iyadoo laba cisha uun kadib loo fariistay dhageysia
dacwadda.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo bandhiga sedax markaati, sawirka
Marxuumka, warqadda Dhakhtarka ee caddeyneysa dhimashada iyo qiraalka
eedeysanaha.
Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka Xeer
Ilaaliya Ciidamada Qalabka Side ayaa ku dooday in Dable Xoogga Dalka
Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim uu ku kacay fal dil ah weliba isagoo
muujinaya Isla-weynin, waxa uuna marxuumka kula mur-muray in uusan jirin
sharci gacmaha qaban karo.
Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in ay iska bixiyaan
magta marxuumka, sidoo kale waxa ay codsadeen in loo naxariisto.
Maanta ayaa ugu dambey Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan
Ibraahim lagu xukumay dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Ex,
Alifle Bol Salaad Xasan Maxamed, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda
Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda
Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side.
Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan
hadii uusan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada
Qalabka Sida.