Munaasabad lagu daah-furayey Bank cusub oo lagu magacaabo DARYEEL oo lagu qabtay London
Sabti, Janaayo, 12, 2019 (HOL)– Munaasabada ballaaran oo lagu
daahfurayey Bankiga cusub ee Daryeel Bank oo ay leedahay Shirkadaha Xawaalada
Iftin Group ayaa lagu qabtay magaalada London ee dalka Britain, iyadoo isla
munaasabadan lagu soo bandhigay adeega cusub ee (YEEL app).
Xafladan oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay
ganacsato, aqoonyahano, odayaal, haween iyo qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda
Soomaalida ee ku dhaqan dalka magaalada London.
Aadan C/llaahi Ilkacase Guddoomiyaha Shirkadda Iftin Group oo Bankigan
cusub faah faahin ka bixiyey ayaa sheegay in Daryeel Bank uu yahay Banki ka
diiwaan-gashan Bankiga dhexe ee Somalia, ayna u dhameystiran yihiin shuruudaha
looga baahan yahay Bankiyada caalamiga ah.
“Bankiga daryeel waxaa uu hoos tagaa Shirkadda xawaalada Iftin Group,
waxaana uu laamo ku leeyahay gudaha Somalia, isagoo ka barbar shaqeyn doona
dhamaan laamaha xawaalada Iftin ku leedahay caalamka” ayuu yiri guddoomiyaha oo
dhinaca kale sheegay iney soo kordhiyeen adeeg cusub qofka u sahlaya inuu lacag
diro isagoo gurigiisa ama xafiiskiisa jooga, kuna helayo haddii loo soo diro.
Ingineero Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Cige iyo Mahad
C/llaahi ayaa dadkii ka soo qeyb galay xafladaas sharaxaad ka siiyey qaabka uu
shaqeeyo barnaamijka cusub ee (YEEL-app) oo daryeel Bank uu ugu talo galay
dadka Soomaaliyeed iney lacag diraan ama ku helaan lacag loo soo diray iyagoo
aan tegin xafiis xawaaladeed.
Waxaa sidoo kale ka hadlay Munaasabadan ka hadlay Gudoomiyaha Bankiga
Daryeel Xaamid Aadan Ibraahin oo isna sheegay in Daryeel Bank uu yahay Bankiga
lixaad ee ka diiwaan gashan Somalia, awoodna u leh inuu u shaqeeyo sida
Bankiyada kale ee la aqoonsan yahay, isagoo ugu baaqay iney ka faa’iideystaan
adeegyada ay bixinayaan.
“Bankiga daryeel waxyaabaha uu kaga duwan yahay Bankiyada kale ee
Soomaalida waxaa ka mid ah Adeega YEEL oo dadka isticmaalaya u fududeynaya iney
si sahlan lacago isugu diraan iyagoo aan tegin xarun xawaaladeed, waana adeeg
aad u horumarsan oo ilbiriqsiyo gudahood lacagta ku gaarsiinaya meeshii loogu
talo galay” ayuu yiri guddoomiyaha Bankiga Daryeel.
Waxaa sidoo kale munaasabadan ka hadlay madaxda Teknolojiyada iyo amniga
ee Bankiga Daryeel Abdisalan Mohamed Ahmed oo ku dheeraaday kalsoonida lagu
qabi karo adeegan iyo sida haboon ee looga faaiideysan karo.
Dadkii ka soo qeyb
galay xafladan ayaa u riyaaqay Bankiga Daryeel iyo adeega cusub ee uu soo
bandhigay, iyagoo ku amaanay dedaalka ay Shirkadda Iftin Group ku bixisay sidii
ay u qancin laheyd macaamiisheeda iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed, iyagoo ku
booriyey shirkadda Iftin iyo Bankiga Daryeel iney halkooda ka sii wadaan
dedaalkooda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]