Khamiis, Feberaayo, 07, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa si deg deg ah ugu yeertay Diblomaasiyiinta qunsiliyadda Soomaaliya ee magaalada Jiddah, kaddib qoraal ka soo baxay Wasaarradda arrimaha dibedda.
Amar ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa lagu faray dhamaan diblumaasiyiinta iyo u qayb-sanayaasha qunsiliyadda guud ee Soomaaliya ku leedahay magaalada Jiddah ee Sucuudiga in ay soo galaan xarunta wasaarada arrimaha Dibadda ee Muqdisho, 30-berri gudahood.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]