Madaxweyne Biixi oo xadhiga ka jaray kuuliyadda Tobabarta macalimiinta iyo kormeer uu ku tagay Saylada xoolaha
Arbaco, Feberaayo, 06, 2019 (HOL)- Madaxweyne
Muuse Biixi ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray kuulliyadda tabobarka
macallimiinta oo laga hirgeliyey duleedka caasimadda Hargeysa.
Munaasibad ballaadhan oo uu madaxweynuhu xadhigga
kaga jaray kulliyadda cusub ee tabobarka macallimiinta, ayaa waxa ka qaybgalay
masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, saraakiil ka socda midowga
Yurub, ku dhawaad Afar boqol oo macallin oo kuulliyada wax ka baran doona iyo
marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku
haya qiimaha ay leedahay in lagu tabco barayaal tabobar sare qaba oo soo saari
kara da’yar cilmi ku hubaysan.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska,
Mudane Cismaan Jaamac Aadan oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in qaranku u
baahan yahay in uu yeesho kuulliyad lagu tabobaro barayaasha da’yarta soo
socota, wax barta, taasina ay kor u qaadayso tayada waxbarashada dalka.
Madaxweyne Biixi, ayaa isaguna ku dheeraaday
qiimaha ay waxbarashadu leedahay iyo sida ay xukuumadda uu hoggaamiyo uga go’an
tahay in kor loo qaado xirfadda iyo heerka waxbarasho ee barayaasha gacanta ku
haya da’yarta dalka.
“Waxan qabaa waxbarashadu kuma timaaddo dawaro
iyo inay cidi iskuulladaada kuu dhisto iyo inay cidi kaa taageerto ardaydaada
wax bariddeeda, qaran walibana wuu karaa inuu dadkiisa wax baro oo uu
tacliintiisa hagaajiyo marka uu u midoobo horumarkiisa oo uu hantidiisa u
huro”ayuu yidhi Biixi.
Dhinaca kale, madaxweyne Biixi ayaa gacantiisa ku
qaybiyey Buugaagta manhajka waxbarashada Somaliland ee dugsiyada Hoose dhexe oo
lacag la’aan ah, kuwaas oo uu maanta si rasmi ah ugu qaybiyey ardayda wax ka
barata dugsiga Qudhac-dheer ee degmada Maxamuud Haybe ee caasimadda Somaliland
ee Hargeysa.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan masuuliyiinta ugu
sarraysa wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, ayaa saaka qaybinta Buugaagta
daabacan ee Manhajka waxbarashada dugsiyada Hoose dhexe ee dalka oo tiradoodu
dhan tahay 1,200,000 (Hal Milyan iyo Laba boqol oo kun), isla markaana ay ka
faa’iidaysan doonaan arday tiradoodu dhan tahay 153,077 (Boqol iyo Saddex iyo
konton kun iyo Toddoba iyo Toddobaatan) Arday, waxa uu ka bilaabay dugsiga
Hoose dhexe ee Qudhac-dheer ee Degmada Maxamuud Haybe.
Madaxda wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo
dhammaantood ku sugnaa gudaha dugsiga Qudhac-dheer, ayaa ku dheeraaday faa’iidada
ay buugaagtan lacag la’aanta ahi usoo kordhin doonto dhammaanba ardayda wax ka
barata dugsiyada Hoose dhexe ee dalka, waxana ay madaxweynaha uga mahadnaqeen
go’aanka geesinimada leh ee uu ugu dhiirraday in ay ardaydu hesho buugaag
daabacan oo lacag la’aan ah.
“Mar haddii aad mustaqbalka leedihiin xaq waxad u
leedihiin in la idin siiyo tacliin wanaagsan iyo nolol wanaagsan, waajib bayna
ku tahay waalidka, dawladda iyo tujaartaba inay idinka idin daryeelaan, waayo
mustaqbalka dalku waa dadka. Daar la dhiso, laamiyo iyo qurux la beero waxa ka
weyn ee la maalgelinayaa waa mustaqbalka da’yarta iyo dadka, waxana aannu
doonaynaa in da’diinani aad ka duwanaataan da’da maanta nool dhinac walba,”
ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Buugaagta daabacan ee maanta qaybintooda la
ibo-furay, ayaa si lacag la’aan ah loogu qaybin doonaa dhammaanba ardayda wax
ka barata dugsiyada Hoose Dhexe ee dalka, kuwaas oo uga faa’iidaysan doona
waxbarashadooda, waxaanay ka mid tahay balan qaadyadii madaxweynaha ee
wakhtigii ololaha.
Sidoo kale, madxweynuhu kormeer shaqo ku tegay
sayladda Xoolaha ee Hargeysa, waxaanu indho indhaynayey habsami-u-socodka
hawlaha wax kala iibsi ee ka socda sayladda xoolaha Hargeysa oo ah goob uu ka
socdo ganacsi ballaadhani.
Xubno kamid ah guddida maamusha sayladda Xoolaha
ee Hargeysa, ayuu madaxweynuhu ka dhegaystay warbixin kooban oo ku saabsan
duruufaha kala duwan ee ku xeeran dadka ku ganacsada sayladda iyo xoolaha
halkaas lagu kala iibsado oo u baahan daryeel joogto ah oo xagga cawska iyo
biyaha ah.
Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiinta dawladda Hoose
ee Hargeysa ugu baaqay inay ka hawlgalaan sidii ay u dhammaystiri lahaayeen wax
kasta oo ay u baahan yihiin dadka iyo xoolaha ku sugan sayladdu, sida Biyaha,
cuntada iyo hadhka.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.