Madaxweyne Farmaajo oo Sharmal El-Sheikh kula kulmay madax ka soctay caalamka
Isniin, Feberaayo, 25, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaala Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galay Shir
Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada
Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.
Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka
Jaamacadda Carabta oo markiisii ugu horreysay taariikhda la qabanayo ayaa waxa
xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda iskaashiga u dhexeeya dalalka Yurub iyo
kuwa Carabta, xallinta caqabadaha ay wadaagaan iyo in laga hawlgalo sidii
xasilooni buuxda looga suurtagelin lahaa dalalka Carbeed ee ay amni darradu ka
jirto.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Shir-doceedyo la yeeshay
Madaxweynaha dalka Ciraaq Barham Salih, Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Mudane
Stefan Löfven iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte.
Madaxweynaha iyo dhiggiisa dalka Ciraaq Mudane
Barham Salih ayaa kulankooda ku lafo-guray xoojinta xiriirka labada dal iyo
sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagaxisada, sare u qaadidda
ganacsiga labada dal iyo sidii deeqo waxbarasho loogu suurtagelin lahaa ardayda
Soomaaliyeed.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Madaxweynaha
dalka Ciraaq kala hadlay cafinta deynta ay dowladda Ciraaq ku leedahay
Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka
Sweden Mudane Stefan Löfven ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka iyo
iskaashiga labada dal iyo sidii Sweden ay Soomaaliya uga taageeri lahayd
dhisidda iyo tayeynta hay’adaha dowladda.
Madaxweyne Farmaajo oo shir-doceed la yeeshay
Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga ayaa kala hadlay xiriirka soojireenka ah ee
labada waddan, isaga oo Dowladda Talyaaniga ka codsaday inay door weyn ka
qaadato dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, tayeynta waxbarashada iyo
hirgelinta dugsiyo farsamo.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]