Hiiraan Online
10/7/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 20, 2019
Puntland oo ku wargelisay ururrada iyo xisbiyada siyaasadda inay hakiyaan dhaqdhaqaaqyada ay ka wadaan gudaha deegaannada
Arbaco, Feberaayo, 20, 2019 (HOL)- Puntland ayaa ku wargelisay ururrada iyo xisbiyada siyaasadda inay hakiyaan dhammaan wixii shaqo ah ee ay ka waddaan gudaha Puntland, sida ku cad warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay tan iyo inta laga dhameystirayo dhammaan siyaasadihii iyo shuruucdii lagu hagi lahaa geeddi socodka dimuqraadiyeynta iyo doorashooyinka dalka in la hakiyo dhaqdhaqaaqyada ay ka waddaan gudaha deegaannada Puntland xisbiyada iyo ururrada siyaasadda ee heer federaal iyo dowlad-gobolleedyada.
Go'aankan ayaa ku soo aadday xilli dhawaan qaar ka mid ah ururrada iyo xisbiyada siyaasadda ay xafiisyo ka furunayeen gudaha magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, waxaana go'aankan uu saameynaya xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh, xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdisharuuf oo dhammaantood xarumo ka furtay magaalada Garoowe.
Hoos ka akhri warsaxaafadeedka;
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]