4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 16, 2019
Kenya oo sheegtay in ay xiriirkii Diblomaasiyadeed u jartay Soomaaliya


Sabti, Feberaayo, 16, 2019 (HOL)- Dowladda Kenya ayaa amar ku siisay inuu dalkeeda ka baxo safiirka Soomaaliya ka jooga Amb. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), sida laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah ee dalkaa.

Kenya ayaa sidoo kale u yeertay safiirka u jooga Muqdisho, Lt. Gen. Lucas Tumbo
 ,iyadoo go'aankan sabab looga dhigay in dowladda Soomaaliya ay ku xadgudubtay xuduudda Badda ee Kenya.

Waxaa kalo xukuumadda Nairobi laga soo xigtay in dowladda Soomaaliya ay tartan gelisay Bad ay leedahay Kenya si shidaal looga baaro Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya,Macharia Kamau   ayaa sheegay Soomaaliya si taxadar la'aan ah inay isaga indho tirtay xeerarka caalamku aqoonsan yahay ee muranka xuduudaha, iyo sidoo kale khilaafaadka siyaasadeed iyo diblumaasiyadeed,sida ay baahisay warbaahinta Kenya.

Labada dal waxaa muddo u dhaxeeyay muran dhinaca badda ah,iyadoo dacwad ay gudbisay dowladda Soomaaliya ay taallo maxkamadda caalamiga ah,balse xiriirka labada dal wuxuu ahaa mid wanagsan.

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga ciidan nabad ilaalin ah oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Ma jirto ilaa hadda war ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay go'aanka dowladda Kenya oo ku soo aadday xilli toddobaadyo ka hor magaalada London ay ku soo bandhigtay dowladda Soomaaliya sahan shidaal baarista ah oo badda laga sameeyay.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]