4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 16, 2019
Wasiirka warfaafinta Somaliland oo ka jawaabay hadal ka soo baxay wasiirka waxbarashada Soomaaliya

 

Sabti, Feberaayo, 16, 2019 (HOL)- Wasiirka warfaafinta Somaliland C/raxmaan C/laahi Guri- barwaaqo ayaa ka hadlay hadal ka soo baxay wasiirka waxbarashada Soomaaliya  Cabdilaahi Goodax bare oo sheegay inay ka shaqaynayso guddi uu madax ka yahay inay dib usoo celiyaan hantidii shacabka ee dawladda gacanteeda ka baxday.

Wasiir Goodax ayaa sheegay in hantidda shacabka ee dib loogu soo celinayo gacanta dawlada ee ay diwaangalinayso ay ku jiraan Somaliland hantidii dawladdu bixisay dib uga soo celinayaan dadkii la siiyey.

Haseyeeshee hadalkaasi wasiirka waxa ka jawaabay wasiirka warfaafinta Somaliland Guri barwaaqo, waxaanu yidhi “Xukuumadda Somaliland wax qiime ah agteeda kama laha, hadallada afka baarkiisa ah ee Dawladda Magac u yaalka ah ee Soomaaliya ku marin habaabinayso Ummaddeeda tabaaleysan, waxana dhaqan ka noqotay inay sheegato Somaliland oo ah dal madaxbannaan oo ay kala baxeen rubuc qarni ka hor.Dawladda Muqdisho ee ka dul talisa Tiknikada AMISOM, waxa la yaab noqotay inay shalay ku dhawaaqday inay diiwaan-gelinayso hantida Ma Guurtada ah ee dalkeeda oo ay sheegtay inay ku jirto Somaliland. Taasi oo ay uga dan leedahay inay iskaga dejiso culaysyada iyo cadhada shacbiga Soomaaliya kaga soo horjeesteen xaraashkii Toddobaadkii hore ay ku faasaxday Xukuumaddaasi Qaybo ka mid ah shiidaalka ku jira dalkaas qalalaasuhu hadheeyey. Iyadoo horena ay u jirtay inay hadyad u bixisay soohdin biyoodka dalkooda iyo khayraadkii ku jiray.”

Waxanu intaas ku daray “Sidaas darteed, waxaan ugu baaqaynaa Xukuumadda Soomaaliya inay u soo noqoto runta ka jirta Gobolka Geeska Afrika oo ay ka waantowdo lab-la-kaca ay ku hawaysanayso inay farogeliso dalka Somaliland oo ay shan madaxweyne si dimuqraadi ah oo nabdoon xilka iskugu wareejiyeen.”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.