Sabti, Feberaayo, 16, 2019 (HOL)- Taliyaha ciidanka Lugta ee dalka Uganda
Lt. Peter Elwelu ayaa todobaadkaan booqasho ku yimid Soomaaliya,wuxuuna
taliyaha si gaar ah u booqday goobaha ciidanka Uganda ee qeybta ka howlgalka
AMISOM ku sugan yihiin.
Lt. Gen. Elwelu, ayaa maalintii Khamiista ahayd
oo taariikhda ku beegneyd February 14,booqday ciidanka Uganda ee ku sugan
magaalooyinka,Baraawe,Buula-mareer,Qor-yooley iyo deegaanka Ceel Jaale-Marka oo
dhammaantood ka tirsan qeybta koowaad (Sector One),kuwaasi oo ku yaalla Gobolka
Shabeellaha hoose.
“ Waxa ina quseeyo waxay tahay ineynu taageerno
ciidankeenna qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee ku sugan halkan,” ayuu yiri
Taliyaha ugu sareeya ee Ciidanka Uganda intii lagu guda jiray booqashadiisa
Xerooyinka Militari.
Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Uganda Lt. Peter
Elwelu,ayaa ciidanka ku dhiira geliyay iney is difaacaan,islamarkaana u
shaqeeyaan si wadajir ah si ay uga gudbaan caqabadaha,islamarkaana guulo u
gaaraan.
Gen. Elwelu ayaa sidoo kale ku booriyay inay
foogjignaadaan iyo iney si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab.
Sidoo kale, Lt. Gen. Elwelu ayaa la kulmay
Guddoomiyaha degmada Qoryooley Sayid Ali Ibrahim,mas’uuliyiin kale oo ka tirsan
Maamulka degmadaasi iyo waxgaradka,isagoona kala hadlay sidii la isaga
kaashan lahaa sugida amniga iyo waliba dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Ugu danbeyntii,Taliyaha Ciidanka Lugta dalka
Uganda ayaa maanta gabagabeeyay booqashada uu ku yimid Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]