4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 16, 2019
Weriye Cabdi Keyse ayaa xoriyadiisa dib u helay kadib markii shalay la xidhay

 

Sabti, Feberaayo. 16, 2019 (HOL)-Duhurnimadii maanta ayaa dib xoriyadiisa loogu soo celiyey weriye Cabdi Keyse Tungub oo haatan ka hawlgala Bulsho TV kadib markii shalay ciidanka Boolisku xidheen.

Xadhiga weriyaha ayaa la sheegay in lagu eedeeyey in uu jebiyey go'aan ay gudiga nabadgelyada gobolka Sool soo saareen, kadib markii uu war ka duubay dad taageero u haya golaha wasiirada we Puntland magaalada Kalbaydh oo Laascaanood 30Km. galbeed kaga quman.

Wadahadal bahda Saxaafada iyo maamulka gobolka Sool ayaa is afgarad lagu soo daayey sida uu HOL u sheegay Isuduwaha wasaaradda warfaafinta Faysal Jaamac Aadan.
 
Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Jiidhe oo isagu tegey Saldhiga Seyidka ee koonfurta Laascaanood ayaa sheegay in xadhigani uu ahaa canaan oo keliya ahaa.
 
Si kastaba ha ahaatee waa weriyihii u horeeyey oo la xidho intii uu xilka qabsaday Gudoomiyaha Gobolka Sool oo loo tiriyo nin saxaafada aad ugu dhow saaxiibna la ah.
 
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool