4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 16, 2019
Mashruuca wacyi-galinta bulshada oo laga daahfuray magaalada Beledweyne


Sabti, Feberaayo, 16, 2019 (HOL)- Kulankan oo lagu daah furayay mashruuca wacyi-galinta bulshada ayaa waxaa ka qeybgalay Duqa degmada Beledweyne Khadar Xassan Afrax iyo xubno ka kala socda qeybaha kala duwan ee bulshada.

Qeybihii kala duwanaa bulshada ee ka soo qeybgalay daah furka mashruucan oo guud ahaan la filayo in laga fuliyo deegaannada Hirshabeelle ayaa siweyn u soo dhaweeyay in ay arkaan hay'addo u taagan sidii loo dhisi lahaa wacyiga bulshada, iyadoo loo marayo qabashada tababaro iyo kulamo u badnaan doona aqoon is weydaarsi bulshadu isku dhaafsanayaan sida loo qeyb qaadan karo barnaamijyada kala duwan ee hormarineed.

Duqa Degmada Beledweyne ayaa soo dhaweeyay mashruucan oo ay soo qabanqaabisay Hay’ada UNICEF -JPLG, islamarkaana ay ka fulineyso gobolka  shirkadda Kaah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]