4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 16, 2019
Ciidamada Jubbaland iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay deegaan hoostaga Afmadow

Sabti, Feberaayo, 16, 2019 (HOL)- Iska horimaad xooggan ayaa deegaan hoostaga degmada Afmadow ku dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dowlad goboleedka Jubbaland iyo Maleeyshiyaadka Al-shabaab, kadib markii ciidamo ka tirsan Jubbaland ay weerar qorsheeysan la beegsadeen Saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Weelmaaro oo hoostaga Afmadow halkaa oo ay gacanta ku hayeen Al-shabaab.

Iska horimaadka dhexmaray labada dhinac ayaan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah eek a dhashay, balse xiriir aan la sameeynay saraakiisha ciidamada Jubbaland ee Afmadow ayaa waxa ay guulo ka sheegteen iska horimaadka ka dhacay halkaasi.

Taliyaha ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee Afmadow Siyaad Macallim Bashiir oo ay HOL qadka teleefonka kula xiriirtay ayaa sheegay in weerarku ahaa mid ay ciidamadu ku bartilmaameedsadeen goob ay isku urursanayeen Al-shabaab.

“Waxaa nasoo gaartay xog ku saabsan in Shabaab ay isku urursanayeen deegaanka Weelmaaro, dhowr jiho ayaan ka weerarnay, waxaan ka dilnay ilaa 5 askari, gaari uu lahaa horjoogaha Al-shabaab ee sedexda gobolna waan gubnay, waxaan sidoo kale gacanta ku dhignay Miinooyin ay diyaarsadeen,” ayuu tliyuhu hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu xusay in ciidamadooda ay hadda gacanta ku hayaan deegaanka, islamarkaana Maleeyshiyaadka Al-shabaab ay kala carareen.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan iska horimaadkaasi oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab.
Afmadow oo kamid ah degmooyinka ay gacanta ku heeyso dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa sidoo kale ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Kenya, waana degmo go’doosan marka loo eego wadooyinka ku xira magaalooyinka kale ee gobolka J/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.