4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 16, 2019
Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay golaha wasiirrada


Sabti, Feberaayo, 16, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta horgeeyay Baarlamaanka Puntland, golaha wasiirrada ee uu dhawaan soo magacaabay.

Madaxweyne Deni, ayaa Baarlamaanka ka horjeediyay khudbad uu uga dalbaday inay ansixiyaan golaha wasiirrada si  xukuumadda ay shaqadeedda u guda gasho, waxaa kalo uu sheegay  inay waqti ku qaadatay dhismaha xukuumadda.

"Anaga oo ka ambaqaadayna ballanqaadyadii aan samaynay xilligii doorashada xukuumadda cusub ee aan soo dhisnay waxay xoogga saaridoontaa ka mira dhallinta iyo fulinta ballanqaadyadii nala ku doortay, waxaan dib u habayn mugleh ku samayndoonaa Amniga, Cadaaladda, Dhaqaalaha, Siyasadda iyo arrimaha bulshada, anaga oo aasaas ka dhiganayna tayaynta hay'addaha dowliga iyo saraynta sharciga si horumar walba oo la gaadho uu u noqdo mid joogtaysan oo aan ku xirnayn qof ama cidgooni ah." ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Baarlamaanka Puntland  oo ku gudajira hawl-maalmeedkooda shaqo ee kal-fadhiga 43-aad fadhigiisa 19-aad ayaa cod u qaadday golaha wasiirrada,iyagoo si aqlabiyad leh u ansixiyay golaha wasiirrada ,63 xildhibaan ayaa codka kalsoonida ugu codeeyay golaha.

47 wasiir,wasiiru dowlayaal iyo wasiir kuxigeenno ayaa la ansixiyey wasiirka waxbarashada oo aan wali dalka imaan ayaa ka maqnaa.

Dhinaca kale, Baarlamaanka Puntland wuxuu ansixiyay qorshaha siyaasadeed ee xukuumadda Madaxweyne Deni 5ta sanno ee soo socota.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]