4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 16, 2019
Mas'uul ka tirsana wasaarada warfaafinta Soomaaliya oo 12 cisho oo uu xabsiga Hargeysa ku jiray ka dib loo mustaafuriyey Muqdisho

 

Sabti,Febraayo 16, 2019 (HOL) – Cabdiraxmaan Axmed oo ah Agaasime waaxeedka qorsheynta iyo xidhiidhka caalamiga ah ee wasaarada Warfaafinta dawladda Soomaaliya ayaa 12 cisho ka dib shalay xabsiga laga siidaayey.

Cabdiraxmaan Axmed oo la sheegay inuu u yimid qoyskoodda oo degan magaalada Gabiley ayaa markii uu Hargeysa yimid xabsiga loo taxaabay, haseyeeshee 12 cisho ka dib ayaa Muqdisho dib loogu mustaafuriyey.

“Maanta oo ay taariikhdu Ahayd 15 February 2019 oo aan 12 cisho ku xidhnaa Hargeysa ugu danbayna Maanta lay Soo Mastaafuriyay ilaa Muqdisho.”sidaas buu ku soo qoray bartiisa Facebooga uu ku leeyahay Cabdiraxmaan Axmed.

Maaha markii ugu horeeyey ee qof ka soo jeeda Somaliland loo mustaafuriyo Muqdisho, haseyeeshee Inta badan masuuliyiinta xilalka ka haya Soomaaliya markay Somaliland yimaadaan inta muddo la xidho ayaa dib loogu celiyo Muqdisho.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland