4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 16, 2019
Xuskii toddobaadka magaalooyinka oo saakay ka furmay Jigjiga


Sabti, Feberaayo, 16, 2019 (HOL)- Waxaa si habsami leh u bilowday xuskii toddobaadka magaalooyinka ee Jigjiga lagu qabanayay oo saakay ka furmay garoonka kubada cagta ee Jigjiga.

Dad aad u tiro badan ayaa isugu soo baxay oo garoonka soo buux dhaafiyay, sidoo kale baambayda ciidanka booliska DDS ayaa iyaguna dhoolatus ka samaynaya gudaha garoonka.

Dadka kasoo qayb galay ayaa waxaa ka mid ah, Madaxwaynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar iyo Mas’uuliyiin heer fadaraal ah.

Meesha waxaan ka maqnayn Ubaxa Degaanka oo ah carruur yaryar oo wiilal iyo gabdho isugu jira kuwaas oo qayb wayn ka qaadanaya qurxinta goobta munaasabadda.

Guud ahaan munaasabadda xuska toddobaadka magaalooyinka ayaa ah mid aad u qurxoon isla markaana dadka isugu yimid ee ka kooban qowmiyadaha dalka ay wajiyadooda ka muuqataa dareen farxadeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]