4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 16, 2019
Dowladdaha Soomaaliya iyo Sweden oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya

 

Sabti, Feberaayo, 16, 2019 (HOL)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa magaalada Stockholm kula kulmay dhiggiisa Sweden Margot Wallstrom.

Labada Wasiir ayaa wada hadalkooda ku qotomay qaabka loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Sweden iyo arrimaha Gobolka.

Wasiir Cawad iyo Margot Wallstrom ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wax wadaagga Soomaali iyo Sweden, dadaalada wadajirka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Sidoo kale waxaa ay hoosta ka xariiqeen sii socoshada howsha wadaagga ah ee dhinacyada badan leh ee wax isdhaafsiga labada dal ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]