Jimco, Feberaayo, 15, 2019 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka
soo baxaya toogasho galinkii danbe ee maanta ka dhacday xaafadda Jungal ee
degmada Yaaqshiid, kaddib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu rasaas
ku dilay qof dumar ah.
Haweeneyda toogashada lagu dilay oo magaceeda lagu sheegay
Fardowso Abuukar Maxamed ayaa la sheegay in uu muran dhax maray Askariga
toogashada geystay, taasoo keentay in markii danbe rasaas uu ku furay ay u
geeriyooto.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in
muranka marxuumada iyo askariga uu ka bilwaaday dhalinyarro yar yar kubad ku
cayareysay halka uu dilku ka dhacay, kuwaa oo uu askarigu dambacay in uu kala
ceyriyo, laakiin haweeneyda la dilay ayaa la sheegay in ay arintaa isku deyday
in ay askariga ka hor istaagto.
Marxuumada ayaa la sheegay in ay aheyd hooyo heysatay
caruur yar yar, waxaana meydkeeda markii danbe loo qaaday xarunta Dambi
baarista CID-da si baaritaano loogu sameeyo.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa inta badan dilal bareer ah kula kaca dadka
shacabka, dhawaanna taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in ay
gacanta ku hayaan baaritaanka askar ku eedeysan in dil bareer ah kula kaceen
dad shacab ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]