4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 15, 2019
Jaamacadda Benaadir oo daah-furtay Barmaamij cusub oo Waxbarasho


Jimco, Feberaayo, 15, 2019 (HOL)- Seminaar maalin socday oo lagu baranayey Doorka Aqoonta Nafaqeyntu u leedahay Caafimaadka iyo ahmiyadda fayo dhowrka guud ee bulshada ayaa lagu qabtay xarunta Jaamacadda Benaadir ee magaalada Maqdisho, iyadoo seminaarkan uu hordhac u ahaa barnaamij waxbarasho oo ah koorsooyin gaagaaban oo jaamacadu ay soo kordhisay.

Waxaa seminaarkan soo qaban-qaabiyey Kuliyadda Culuunta Caafimaadka (Health Science) ee Jaamacadda Benaadir, iyadoo loo qabtay arday boqol ka badan oo kuliyaddu u furtay Koorsooyin soconaya muddo hal sano ah kuwaasoo lagu baranayo labo Maado oo kala ah Nafaqada (Nutrition) iyo Caafimaadka bulshada (Community Health), waxaana lagu bixin doonaa shahaado (Diploma).

Hormuudka kulliyada Culuunta Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir Prof. Xasan Nuur Warsame ayaa ardayda sharaxaad ka siiyey baahida loo qabo barashada Nafaqeynta iyo ilaalinta Caafimaadka bulshada, isagoo xusay in Somalia oo ah dal burbur ka soo kabanaya ay aad ugu badan yihiin dhibaatooyinka ka dhashay nafaqo darida iyo fayo-dhowrka guud ee bulshadda.

Guddoomiyaha Jaamacadda Benaadir Dr. Max'ed Max'uud Biday oo munaasabadaas hadal ka jeediyey ayaa ka waramay muhimada ay leeyihiin koorsooyinka gaagaaban ee noocan ah iyo faaiidada ugu jirta dhalinyarada ka soo baxday dugsiyada sare.

"Waxaan ku faraxsanahay anigoo ku hadlaya magaca guddoonka iyo Muasasiinta Jaamacadda Benaadir inaan maanta daah-furo koorsooyin gaagaaban oo ay bixin doonaan dhamaan 11ka kuliyadood ee ay ka kooban tahay Jaamacada Benaadir, iyadoo kuliyada Culuunta Caafimaadka ay noqotay kuliyaddii ugu horeysay ee maanta bilowday, waana u hambalyeynayaa ardayda iska diiwaan gelisay ee horteyda fadhiya" ayuu yiri Gudoomiyaha Jaamacada Benaadir.

Dr. Biday ayaa sheegay in koorsooyinkan gaagaaban ay socon doonaan muddo sanad ah laguna bixin doono shahaado, isagoo xusay in ujeedada laga leeyahay ay tahay sidii dhalinyaradda loogu abuuri xirfado ay ku shaqeystaan, wuxuuna u mahad celiyey maamulka iyo hormuudka Kuliyadda culuunta Caafimaadka oo suuragaliyey furitaanka barnaamijkan.

Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale hadalo isugu jiray dhiiragelin iyo guubaabo ka jeedisay Drs. Maryan Warsame oo ka mid ah maamulka iyo Mu'asasada Jaamacada Benaadir, iyadoo dhinaca kale gabay khiiro badan oo ka turjumayey dhibaatooyinkii dalka ka dhacay iyo faa'iidada aqoontu leedahay ay halkaas ka jeedisay gabar ka mid ah ardayda goob jooga ka ahaa xafladan oo ku dhamaatay jawi farxadeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]