4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 15, 2019
QM oo ku dhawaaqday 30 Milyan oo Dollar oo lagu bixiyo nabadda Soomaaliya

 

Jimco, Feberaayo, 15, 2019 (HOL)- Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay Todobaadka soo socda billowdo Sanduuqa dhismaha nabadda ee Soomaaliya, kaas oo ay ku bixi doonto 30 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah.

Hawl-galka Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOM) ayaa Khamiistii sheegay in si loo caawiyo dedaallada nabadeed ee ka jira Dalka Soomaaliyeed la fulin doono mashaariic ay ka mid yihiin qorshaha horumarinta Qaranka iyo dhismaha dib u heshiisiinta.

Qaramada Midoobay ayaa taageerayay geeddi-socodka nabadda Soomaaliya tan iyo 2009-kii, isaga oo Sanduuqeeda taakuleyntana uu ku yaboohay ku dhowaan 45 Milyan oo Doollar oo lagu fuliyay mashaariic kala duwan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]