3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 14, 2019
Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose

 

Khamiis, Feberaayo, 14, 2019 (HOL)- Taliska Mareykanka ayaa sheegay in ay fuliyeen labo duqeyn oo ka dhan ah xoogagga Ururka Al-shabaab, kaddib weerar ka dhacay meel ka baxsan magaalada Muqdisho.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaada in ay ku dileen 15 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab weerar ka dhacay 11 bishan degmada Janaale oo 40 km galbeedka uga beegan magaalada Muqdisho.

Duqeynta cirka ah ayaa ka dnabeysay howlgal ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka fulinayeen deegaanka oo dhan ahaa xoogagga ururka Al-shabaab.

Magaaladan duqeynta lagu weeraray ee Janaale ayaa 10 mayl u jirtay magaalada kale ee lagu magacaabo Gandarshe laga soo bilaabo bishii Dec sanadkii 2018 duqeyn ay ka geysteen Mareykanka lagu dilay 76 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira duqeynta ka dhacday Janaale ee la sheegay in lagu dilay 15 ka tirsan dagaalyahannadooda.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
2/14/2019 2:40 PM EST
Khamiis, Feberaayo,14, 2019 (HOL)- Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kulankiisii ugu horreeyay maanta la qaatay guddiga badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka.

2/14/2019 2:36 PM EST
Khamiis, Feberaayo,14, 2019 (HOL)- Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxa ay ku meel mariyeen Heshiiska Tababarrada Ciidamada ee ay horay u kala saxiixdeen dawladaha Soomaaliya Iyo Turkiga.

2/14/2019 10:00 AM EST
Khamiis, Feberaayo,14, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjirayaasha cusub ee dalalka India iyo Nigeria ee Soomaaliya.

2/14/2019 7:25 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 14, 2019 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Dr ; Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, Wasiirka ayaa Maanta ka hadlay xaaladda dhaqaale ee Dalka, miisaaniyadda Sanadkan iyo caqabadaha ka taagan canshuur bixinta.

2/14/2019 6:43 AM EST
Khamiis,Feberaayo, 14, 2019 (HOL)-Degaanno badan oo ka mid ah gobolka Sool ayaa laga soo seegayaa xaalad abaareed oo aad u daran.

2/14/2019 5:14 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 14, 2019 (HOL)- Elliott Abrams oo ah ergeyga madaxweyne Trump uu u magacaabay dalka Venezuela oo ay ka tagan yihiin khakhalaaso siyaasadeed ayaa su'aalo adag kala kulmay su'aalo adag kala kulmay Ilhan Omar oo ka mid ah guddiga arrimaha dibedda Congress ka Mafeykanka.

2/14/2019 4:45 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 14, 2019 (HOL)-Madaxa hay’adda xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay , Michelle Bachelet, ayaa sheegtay in Xafiiskeeda uu Dowladda Itoobiya ka caawin doono caqabadaha ka haysta xuquul Insaanka.

2/14/2019 4:23 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 14, 2019 (HOL)-Waxaa si habsami leh usoo gabagaboobay, diyaarintii goobihii loogu talagalay martida kasoo qayb galaysa xuska toddobaadka magaalooyinka oo ka dhacaya magaalada Jigjiga.

2/14/2019 12:29 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 14, 2019 (HOL)- Waxaa qalliin lagu guuleystay oo lafdhabarta ah lagu sameeyay ilma yar oo aanan wali dhalan.

2/14/2019 12:16 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 14, 2019 (HOL)- Wasiir ku-xigeenkii gaadiidka cirka iyo dhulka Cabdisalaan Cabdullaahi Yalaxoow ee maalintii shalay uu magacaabay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in uu iska casilay xilka wasiir ku-xigeenka ee loo magacaabay.