4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 13, 2019
U diyaargaroowga xuska toddobaadka magaalooyinka oo ka socta Jigjiga

 

Arbaco, Feberaayo, 13, 2019 (HOL)- Waxaa magaalada Jigjiga ka socda diyaargarow balaadhan oo loogu diyaargaroobayo xuska toddobaaka magaalooyinka oo markan lagu qabanayo magaalada Jigjiga ee caasimadda dowladda deegaanka Soomaalida.

Diyaar-garowgan ayaa waxaa ka qayb qaadanaya dhammaan shacabka ku dhaqan magaalada Jigjiga, waxaana kasocota magaalada Jigjiga dhir iyo ubaxyo lagu beerayo wadooyinka dhexdooda iyo hareeraha wadada.

Xuskan ayaa waxaa kasoo qayb gali doona ku dhawaad dad ka kala socda 200 oo magaalo oo ku yaala dalka Itoobiya, kuwaas oo isku waydaarsan doona khibrado badan oo dhinaca horumarinta magaalooyinka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]