4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 13, 2019
Boosaaso: Booliska Puntland oo soo bandhigay rag loo sii xiray dilka nin ganacsade ah

Arbaco, Feberaayo, 13, 2019 (HOL)-  Saraakiisha booliska Puntland ayaa magaalada Boosaaso ku soo bandhigay afar nin oo dhallinyaro ah oo ku eedeysan dilka nin ganacsade ah oo 11 bishan Febaraayo xilli habeen ah lagu dilay magaalada Boosaaso.

Booliska waxaa kalo uu soo bandhigay hub iyo telefoonnada gacanta oo lala soo qabtay eedeysanayaasha.

Taliyaha ciidanka booliska Puntland Jen. Muxiyadiin Axmed Muuse , ayaa hay'adaha amniga ku ammaanay soo qabashada raggan ku eedeysan dilka ganacsahada, wuxuu inta ku daray in sharciga la marsiin doonno.

"4ta nin labo ka mid ah ayaa isku tuur tuuraya dilka ganacsadaha,balse baaritaanka ayaa lagu kala saari doona". ayuu yiri Jen Muxiyadiin.

Ganacsadaha geeryooday ayaa lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaasha, wuxuu xisaabiye ka ahaa shirkad ganacsi oo lagu magacaabo Horseed.

Docda kale, Taliyaha booliska Puntland, Jen Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay inuu gabagabo marayo baaritaan la xiriira dilka maareyihii dekedda Boosaaso ee shirkadda PO & Ports,Paul Anthony Formosa.

Jeneraalka ayaa inta ku daray inay jiraan dad u xiran dilkaa, ma uusan bixin faahfaahin inta ka badan, waxaa kalo uu sheegay inay magaalada Gaalkacyo ka socdaan baaritaano la xiriira nabadoon lagu dilay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]