4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 13, 2019
Qof ku dhintay qarax loogu xiray gaari uu watay magaalada Muqdisho

 

Arbaco, Feberaayo, 13, 2019 (HOL)-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho oo sida goobjoogayaal sheegeen ahaa nooca gaadiidka lagu dhejiyo.

Gaarigan oo ku qarxay Laami yaraha Zoobe waxaa saarnaa qofkii watay oo kaliya oo sida la sheegay ku naf-waayay qaraxa.

Ciidamada dowladda ayaa markiiba tagay goobta uu qaraxu ka dhacay iyagoo halkaas ka qaaday meydka ninka ku dhintay qaraxan oo illaa hadda aan la ogeyn waxaa uu ahaa inkastoo dadka qaarkood ay isla dhexmarayeen inuu sarkaal ka tirsan dowlada.

Lama oga qofka la bartilmaameedsaday waxaana dad goobjoogayaal ah oo arkay gaariga u sheegeen warbaahinta uu ahaa nooca aysan rasaastu karin oo inta badan ay wataan oo kaliya mas'uuliyiinta dowladda 

Qaraxyada gaadiidkooda loogu xiro mas'uuliyiinta iyo dadka la shaqeeya dowlada bayaa marar badan ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasoo intooda badan ku dhintay qaraxyadaas halka qaar kalena dhaawacyo iyo khasaarooyin kale geystaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]