4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 13, 2019
Ciidamada dowladda oo xalay howlgal ka sameeyay qeybo ka mid ah Muqdisho

 

Arbaco, Feberaayo, 13, 2019 (HOL)- Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho oo maalmihii ugu danbeeyayba ku soo badanayeen falalka ka dhanka amniga gaar ahaan dilalka qorsheysan.

Howlgal xalay ciidamadu ay ka sameeyeen degmada Warta Nabada [Ex Wardhiigley] ayeey ku soo qabqabteen boqolaal dhalinyarro ah oo leysugu geeyay goob barxad ah oo ku taala degmada, waxaana la sheegay in inta badan dhalinyaradaas la sii daayay kaddib baaritaanno lagu sameeyay, halka dhalinyarrada qaar oo laga shakiyay loo diray hay’addaha danbi-baarita.

Howlgalkan ayaa imanaya xili Al-shabaab todobaadyadii ugu danbeeyay kordhiyeen falalka isugu jira qaraxyada, dilalka tooska ah iyo weerarrada xarumaha dowladda ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan oo hore ku cel celisay in ay wax badan ka qabaneyso nabad-galyada magaalada Muqdisho, hasse ahaatee waxaa muuqata in Al-shabaab si toos ah u beegsanayaan saraakiisha ciidamada, waxaana ugu danbeeyay sarkaal ka tirsanaa Booliiska Soomaaliyeed oo maalin ka hor lagu dilay degmada Hodan.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]