4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 12, 2019
Ganacsade xalay lagu dilay magaalada Boosaaso

 

Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)- Rag hubaysan ayaa toogasho ku dilay nin ganacsade ah oo aad looga yaqaanay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, sida laga soo xigtay saraakiisha.

Dilkan oo loo adeegsaday bastoolad ayaa xalay ka dhacay mid ka mid ah xaafadaha ugu mashqulka badan magaalada Boosaaso, sida ay goobjoogayaal sheegeen.

Wararka ayaa inta ku daraya ganacsadaha geeryooday oo lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaasha inuu xisaabiye ka ahaa shirkad ganacsi oo lagu magacaabo Horseed.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka ganacsadaha, sidoo kale hay’adaha amniga kama soo bixin warbixin dilkan looga hadlay, iyadoo uu ku soo aadday xilli muddooyinkii dambe ay howlgallo ka wadeen ciidanka amniga magaalada Boosaaso.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online