4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 12, 2019
Taliska AMISOM oo ka arinsanaya qorshaha ka bixitaanka Soomaaliya

 

Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)- Taliska ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa magaaalada Muqdisho ku leh shir soconaya muddo Afar cisho ah oo la sheegay in looga arinsanayo qorshaha ka bixitaanka ciidamada midowga Africa ee Soomaaliya.

Simon Mulongo oo kuxigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in shirka laga filayo in lagu gaaro go’aamo leysku haleyn karo, iyadoo dhinaca kale wax dib u dhac ah ku iman howlgalada socda.

Kulanka ayaa ayaa lagu wadaa inta uu socdo in lagu soo bandhiggo qoryayaasha ay tahay in wax laga qabto ka hor inta aysan ciidamadu ka bixin dalka.

Tigabu Yilma Wondimhunegn taliyaha guud ee ciidamada AMISOM ayaa sheegay in howlgalladooda cusub, markan ay noqon doonaan kuwo bartilmaameedyo gaar ah yeesha isla markaana hoos u dhiga Awoodda iyo dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Arrimaha ugu horeeya ee tahay in la qabto shirka kaddib, ayaa ah shaqada 28-ka bishan ee dalka looga saaro Kun kamid ah Ciidanka Burundi, kuwaasoo laga soo qaadayo gobolka Sh.dhexe.

AMISOM waxaa ay sheegtay in qorshahan sidoo kale ay qeyb ka tahay dib u habeyn lagu sameeyo saldhigyada aagga hore ee difaaca, iyadoo la dhimayo ciidanka jooga hayeeshee la hagaaginayo tayada saldhigyada qaar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]