4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 12, 2019
Mid ka mid ah shaqaalaha waaxda maaliyada gobolka Hiiraan oo toogasho lagu dilay

 

Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)- Koox ku hubeysan bastoolado ayaa xalay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne toogasho ku dilay shaqaale ka tirsanaa waaxda maaliyada gobolka Hiiraan oo lagu magacaabi jiray Cismaan Cali Maadeey [ Cismaan Ganeey]

Goojoogayaal ayaa u sheegay Hiiraan Online in toogashada ay ka danbeeyeen dhalinyaro ku hubeysnaa bastoolado xili uu marxuumka ku sugnaa agagaarka Argada Sheekh Xassan Barsane ee xaafadda Howl-wadaag.

Kooxda toogashada ay geysatay ayaaa markii waxaa ay ka baxsadeen goobta, iyadoo ay halkaa gaareen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka gobolka Hiiraan oo baaritaanno la xiriira dilka halkaa ka sameeyay.

Ma jiro wax war ah oo ilaa iyo hadda ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan oo la xiriira toogashada lagu dilay mid ka mid ah shaqaalaha waaxda maaliyada ee maamulka gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]