4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 11, 2019
Wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya oo tagay Baraawe


Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)- Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee caasimadda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, si ay ugu kuur galan xaaladda ka jirta magaaladaasi.

Wasiirada tagay magaalada Baraawe ayaa waxaa ka mid ah wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabur), wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Salaad (Omaar) iyo wasiirka gargaarka iyo mareynta masiibooyinka Soomaaliya Xamza Saciid Xamza.

Wafdiga ayaa gaaray qeybo ka mid ah magaalada Baraawe sida goob laga dhisayo iskuul lagu baran doono farsamada gacanta,garoonka diyaaradaha Baraawe iyo xero barakacayaal oo ku taalla magaalada Baraawe.

Kormeerka kadib wasiiradan ka socday xukuumadda federaalka ayaa kulamo la qaatay maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan baahiyaha ka jirta degmada.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa ballan qaaday inay wax ka qaban doonaan baahiyaha dhanka waxbarashada ee ka jirta degmada Baraawe ee gobolka shabeellaha hoose.

“Maanta waxaan kormeer ku tagay magaalada Baraawe ee caasimadda maamulka Koonfur Galbeed, si aan ugu kuur galo baahida dhanka waxbarasho ee ka jirta Baraawe, baahiyaha aan ku aragnay Baraawe waxaan u gudbin doona madaxda dalka sida madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre, waxaan rajeynaya in anaga oo kaashaneyna wasaaradda waxbarashada Koonfur Galbeed, door muhiim ah ka wada qaadan doono horumarinta waxbarashada”ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka gargaarka Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in dowladda federaalka ay wax ka qaban doonto baahiyaha dhanka nolosha ee heystay dadka barakacayaasha ee ku nool magaalada Baraawe.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Salaad (Omaar) ayaa sheegay in ballan qaaday in la dhameystir doono dhismaha garoonka diyaaradaha degmada Baraawe oo xiligan uu ka socdo dhisme.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]