4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 11, 2019
Maamulka gobolka Shabeellaha dhexe oo ka digay barakac dadweyne haddii ay ka baxaan gobolka ciidamada AMISOM

 

Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)- Maamulka gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ka digaya Barakac baahsan oo ay sameeyaan bulshada ku dhaqan deegaannada la calaamadiyay in ay isaga bixi doonaan ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM

Degmooyinka laga yaabo inay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa dalka Burundi ka baxaan dhamaadka bishan ayaa waxaa kamid ah degmada Cadale iyo degmada Raage Ceelle.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe Axmed Meyre Makaaraan ayaa VOA u sheegay in dadku aysan ku faraxsaneyn deegaannadooda ay faarujiyaan ciidamada AMISOM, madaama sida uu hadalka u dhigay ay qeyb weyn ka ahaayeen sugida amniga deegaannadaas.

‘’Ciidamada dalku waxey u yimaadeen in ay nabada wax ka sugaan oo dhibaatada jirta wax ka qabtaan, dadku kuma faraxsana tallaabada looga saarayo qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe ciidamada nabad ilaalinta u jooga’’ ayuu yiri guddoomiyaha.

Bixitaan qeyb ka mid ah ciidamada Burundi ee ka howlgala deegaannada Hirshabeelle ayaa waxaa qeylo dhaantii ugu darneyd ka soo saaray maamulka Hirshabeelle oo ilaa heer madaxweyne arintan ka hadlay.

Aqalka sare ayaa maalintii shalay warbixin arintan ku saabsan ka dhageystay Wasiirka Amniga dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cabduqaadir Aadan Jeelle oo kala hadlay xildhibaannada laga soo doorto gobolka in ay walaacooda la xiriira go’aanka looga saarayo gobolka qeybo ka mid ah ciidamada AMISOM.

Toddobaadkii la soo dhaafay uu guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan uu dhagax dhigey mashaariic laga hirgelinayo degmada Cadale oo ka mid ah meelaha la sheegay in ay ciidamada isaga baxayaan.

Walwalka ugu weyn ayaa ah in durbaba Al-shabaab la wareegaan deegaannadaas marka ay banneeyaan ciidamada AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]