4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 11, 2019
Xarunta dhexe shirkadda Golis ee magaalada Gaalkacyo oo la casriyeeyay

Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)- Xarunta dhexe ee shirkadda isgaarsiinta Golis ee ku taalla magaalada Gaalkacyo ayaa dib maanta loo furay, kaddib dib u dhis iyo casriyeen lagu sameeyay.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa ka qaybgalay, guddoomiyaha gobolka Mudug,Cabdulqaadir Xuseen Nuur Dirir , duqa degmada Gaalkacyo, Yaasiin Cabdisamad, nabadoonno, waxgarad, aqoonyahanno, dhallinyaro iyo xubno ka socday qaybaha bulshadda,iyadoo xarunta lagu soo bandhigay adeeg cusub oo macaamiisha u sahlaya inay si fudud baahiyahoodda uga bogtaan xarunta dhexe ee Golis.

Maamullaha shirkadda Golis ee gobolka Mudug, Eng Aways Cabdi Jarato ayaa xafladda ka sheegay inay shirkadda dadaal ku bixinayso sidii ay dalka usoo gaarsiin lahayd adeegyaddii u dambeeyay ee isgaarsiinta, isagoo inta ku daray casriyeenta iyo dib u dhiska lagu sameeyay xarunta dhexe inay u sahlayso macaamiisha si sahlan inay u helaan adeegyadii ay shirkadda bixin jirtay.

Agaasimaha waaxda suuq gaynta shirkadda Golis ee gobolka Mudug, Maxamed Gaaciye, ayaa sheegay in shirkadda ay ku soo kordhisay xarunta dhexe ee magaalada Gaalkacyo Mashiin u sahlaya macaamiisha inay ku gaaraan qaybaha kala duwan ee xarunta ee laga bixiyo adeegyadda shirkadda Golis.

"Mashiinka wuxuu meesha ka saaraya cariirigii iyo culeyskii hore ee jiray, wuxuu u sahlaya qofka macmiilka ah inuu adeegsaddo isagoo hadba adeegga uu rabo ka dooranaya kaddib wuxuu helaya kaar lambar,markii la gaaro xilliga lambarka waxaa tusaya muraayadda kore, wuxuu markiiba tagaya halka looga yeeray lambarkiisa". ayuu yiri Agaasimaha waaxda suuq gaynta , Maxamed Gaaciye oo dhanka kale u mahadceliyay dhammaan macaamiisha shirkadda Golis.

Guddoomiyaha gobolka Mudug iyo duqa degmada Gaalkacyo, ayaa dhankooda ku ammaanay shirkadda Golis horumarinta adeegyada isgaarsiinta iyo dib u casriyeenta lagu sameeyay xarunta dhexe ee shirkadda,waxaa kalo ay shirkadda uga mahadceliyeen sida ay doorka muuqda uga qaatan horumarka gobolka iyo taageerrada adeegyada bulshada.

Nabadoonno , waxgarad, aqoonyahanno iyo xubno u hadlay bulshadda qaybaheeda ee gobolka Mudug ayaa sidoo kale uga mahadceliyay shirkadda Golis sida ay uga go'antahay horumarinta adeegyada ay bulshada siiso iyo ka qaybgaadashada adeegyadda kale ee bulshada oo ay shirkaddu taageerto.

Shirkadda isgaarsiinta Golis ayaa ka mid ah shirkadda ugu ballaaran ee dalka oo dhan,waxaa ay shirkadda bixisaa adeegyo aan looga horreyn oo ay ka mid yihiin, adeegga Sahal ee lacagta lagu adeegsado taleefoonnada, adeegga 4G ee Internetka , adeegga Zaad iyo adeegyo kale oo la xiriira isgaarsiinta.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]