3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 11, 2019
Shir looga hadlay nadiifinta Minooyinka dhammaan dhulka Soomaaliya oo ka dhacay Switzerland

 

Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)-22-kii bishii hore ayaa shir wadatashi oo ay soo qaban qaabisay Ha’yadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Miinooyinka waxaa lagu martiqaaday Wasaraada Aminga Gudaha Soomaaliya iyo hay” adda SEMA oo u qaabilsan Wasaarada arrimaha miinooyinka iyo qataraha ka dhasha.

Shirka oo ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa wafdiga Dowladda Federaalka uga qeyb galay waxaa hoggaaminayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Xildhibaan Cabdinaasir Siciid Muuse,waxaa kale oo shirka ku wehlinayay Amb: Faadumo Insaaniya oo iyada kaalin muhiima ah ka qaadatay shirkaas una gudbisay Hay”daha ka shaqeeya arrimaha miina baarka ee jooga UNka iney sida dhow  ula socon doonto howlaha Miina Baarka Soomaaliya.

Shirkaas oo ahaa labo waji ayaa wajiga hore waxaa ka hadlay Wasiir ku- xigeenka Amniga Gudaha,wuxuuna sheegay iney jiraan qorshaha howleed lagu  xoojinayo caawinaada dadka ku waxyeeloobay Qaraxyada Miinooyinka iyo qataraha ka dhasha dadkaas oo u badan dumar iyo carruur.

Dowlada Federalka Soomaaliya iyo Ha”yada u qaabilsan Minooyin Qaramada Midoobay (UNMAS) ayaa isla gartay iney ka go”an tahay dhammeystirka iyo ka nadiifinta Minooyinka dhammaan dhulka Soomaaliya.

Wajiga labaad ee shirka ayaa diirada lagu saaray arimaha  bani”aadanimada iyo sidii ahmid gaar ah loo siin lahaa nolosha dadka ku  waxyeeloobay dhibaatooyonka miinooyinka iyo deegaanadooda oo ay qeyb ka  yihiin dhalinyarada iyo Haweenka.

Agaasimaha Hay”adda SEMA Xooshow iyo Sahro Cabdi oo ku hadleysay magaca Dhalinyarada ayaa warbixino muhiim ah ka soo jeediyay shirka qeybtiisa labaad,waxayna sheegeen muhiimada in si dhow loola socdo goobaha Qaraxyada miinooyinka lagu tuhusan yahay si aysan saameyn uga soo gaarin dadka rayidka ah.

Shirkaas kadib Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha  Cabdinaasir Siciid Muuse ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyada Federalka  Soomaaliya ee magaalada Geneva dalka Switzerland, halkaas oo ay si  diiran ugu soo dhaweeysay Safiirada Amb. Faadumo insaaniya , sidoo  kale  wasiir ku-xigeenka wuxuu la kulmay qaar kamida Jaaliyada Soomaaliyeed  ee ku nool wadanka Switzerland,isagoona kula dardaarmay muhiimada  midnimada iyo wadajirka ay leedahay iyo inay ka qeyb qataan dib u dhiska  dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  


 

 

 













Click here
2/11/2019 2:18 PM EST
Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)- Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee caasimadda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, si ay ugu kuur galan xaaladda ka jirta magaaladaasi.

2/11/2019 11:01 AM EST
Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)-Maamulka gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ka digaya Barakac baahsan oo ay sameeyaan bulshada ku dhaqan deegaannada la calaamadiyay in ay isaga bixi doonaan ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM

2/11/2019 8:22 AM EST
Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)- Xarunta dhexe ee shirkadda isgaarsiinta Golis ee ku taalla magaalada Gaalkacyo ayaa dib maanta loo furay, kaddib dib u dhis iyo casriyeen lagu sameeyay.

2/11/2019 7:49 AM EST
Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)-Isniin, Febraayo 11, 2019 (HOL)- Munaasibada lagu soo bandhigayey Buug uu qoray wiil dhalinyaro ahi ayaa xalay dadkii ka soo qaybgallay la kala dareeriyey ka dib markii guddida wanaag farista iyo xumaan reebistu ku ku tilmaamtay in dhaqan xumo laga waddo goobta.

2/11/2019 7:22 AM EST
Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)-Dabkan oo ahaa mid khasaare ballaaran u geystay dad danyar ah ayaa maanta ka kacay xero ku taala xaafadda Jaamacaddaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho

2/11/2019 3:46 AM EST
Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay soo saaristan iyo bandhigga kheyraadka dalka,kaddib kulan ka dhacay magaalada London

2/11/2019 1:18 AM EST
Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)– Wasiirka Amniga dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cabduqaadir Aadan Jeelle ayaa cabasho ka dhan ah ka bixintaan ciidamada Burundi qeybo ka mid ah deegaannada Hirshabeelle u gudbiyay Aqalka sare ee Soomaaliya.

2/11/2019 1:06 AM EST
Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)– Ku dhawaad boqol carruur ah ayaa lagu soo warramayaa in bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ay ugu dhinteen cudurka Ebola, waxaana la filayaa in tiradaasi ay sii kororto.

2/11/2019 12:19 AM EST
Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)–Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Gudaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caaadle oo shalay gaaray degmada Buula-burte ayaa halkaa dhagax dhigay mashaariic hormarineed.