4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 11, 2019
Hirshabeelle oo cabasho u gudbisay Aqalka Sare

 

Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)– Wasiirka Amniga dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cabduqaadir Aadan Jeelle ayaa cabasho ka dhan ah ka bixintaan ciidamada Burundi qeybo ka mid ah deegaannada Hirshabeelle u gudbiyay Aqalka sare ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa kulan kula xildhibaannada laga soo doorto deegannada Hirshabeelle ee ku matala Aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa sheegay in ciidamada Burundi qorsheynayaan in ay ka baxaan qeybo ka mid ah deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe.

‘’AMISOM ayaa qorsheyneysa in ay isaga baxaan deegaannada Raagge Ceelle, Xaaji Cali iyo Cadaalle, arintaan waxey keeni kartaa qalqal dhinaca Amniga ah, waayo ciidamadda Soomaaliya uma diyaarasana in ay sugnaa deegaannadaa la qorsheynayo in ay isaga baxaan ciidamada AMISOM ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu ugu baaqay xildhibaannada laga soo doorto Hirshabeelle ee ku jira Aqalka sare in ay arintaan hoos u eegaan culeysna ku saarnaa hay’addaha ay quseyso in ay ka fiirsadaan cawaaqibka nabad-galyo darro ee tallaabadaa ka dhan kara.

Horay waxaa go’aanka ka bixintaan ciidamada Burundi ee qeybo ka mid ah deegaannada uu ka jiro maamulka Hirshabeelle cabsho uga muujiyay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo walwalka arintan ku saabsan la wadaagay wakiilka howlgalka midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]