4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 11, 2019
Boqolaal Carruur ah oo u dhintay cudur halis ah

 

Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)– Ku dhawaad boqol carruur ah ayaa lagu soo warramayaa in bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ay ugu dhinteen cudurka Ebola, waxaana la filayaa in tiradaasi ay sii kororto.

Hay'adda samafalka ee Save the Children ayaa ka digaysa in haddii aan degdeg wax looga qaban xanuunkaasi ay qaadan doonti ilaa sanad in lala tacaalo.

In ka badan shan boqol oo qof ayaa la xaqiijiyay in ay cudurka Ebola ugu dhinteen dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, waxaana cudurka xilligan lagu tilmaamay kii ugu ballaarnaa ee wadankaasi soo mara.

Hay'adda Save the children ayaa sheegaysa in mid ka mid ah shantii qof ee uu cudurka ku dhacay uu yahay ilmo u badan kuwa ka yar da'da shan jirka.

Ilmaha ayaa lagu soo warramayaa inay aad ugu dhawaadaan dadka qaba xanuunka, isla markaana ay sababi karaan sii faafidda cudurka, maadaama uu Ebola ku faafo taabashada dhacaanka dadka qaba.

Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa marar badan la tacaalay cudurka Ebola, balse waa markii ugu horreysay ee uu si ba'an uga dilaacay bariga dalkaasi.

Qaar ka mid ah bulshada uu saameeyay xanuunka ayaa colaad kala hortaga hawlwadeennada caafimaadka, halka xooggaga hubaysan ee gobolkaasi ka dagaallamana ay caqabad ku noqdeen ka falcelinta Ebola.

BBC Somalia