4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 10, 2019
Maxkamada gobolka Maroodi jeex oo xukunku riday wargeyska Foore ee Hargeyska ka soo baxa

 

Axad, Feberaayo, 10, 2019 (HOL)- Maxkamadda Gobolka Maroodi jeex ayaa maanta ku xukuntay wargeyska madaxa banaan ee Foore, taas oo ay ku xukuntay hal sano oo adhig ah iyo ganaax saddex milyan oo shilling Somaliland.

Xayiraada lagu soo rogay wargeyska ayaa noqonaya mid sanad ah in aanu soo bixi karin iyo ganaaxa saddexda milyan ee ShSl, waxaana kahadlay tifaftiraha guud ee wargeyska Foore oo ku tilmaamay cadaalad daro .

Tifaftiraha guud ee Wargeyska Foore Maxamed Maxamuud Ilka case oo ka hadlaya xukunkan ku dhacay waxa uu yidhi “Xukun cadaalad daro ah oo aan u qaadanay aargoosi ayey nagu riday maxkamadda gobolka Maroodi jeex, wargeyska waxa lagu haysta warbixin faallo wareed ah oo uu wargeysku qoray bishii sadeedaad ee sanadkii aynu ka soo gudubnay 2018-ka, waxay ku saabsanayd madaxtooyada cusub ee la dhisayo wakhti lagu jiro duruufo nololeed oo adag haday tahay mid caafimaad, waxbarasho iyo mid biyeed, anagoo lahayn dhaqaalaha ku baxaya dhismaha madaxtooyada cusub waxa kaga haboonaa iyadoo la galiyo meelaha kale ee muhiimka u ah nolosha, waxay nagu soo eedeeyeen xeer ilaalintu laba eedood midi waxay ahayd kicin dadweyne oo dadweynaha lagaga hor keenayo dawladoodda, iyo eedda labaadna waxay ahayd dhismaha madaxtooyada oo ay ku tilmaamteen wax uu madaxweynuhu leeyahay”.

Si kastaba ha ahaatee, xukunkan ku dhacay wargeyska Foore waxa cadaalad daro ku tilmaamay gudoomiyaha ururka saxaafadda ee Solja iyo siyaasiyiin kale oo badan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.